Maalinta Caalamiga ah ee tabaruucayaasha: Duni oo leh sideed bilyan oo tabaruucayaal ah 

In ka badan hal bilyan oo tabaruucayaal ah oo adduunka dacladiisa ku sugan ayaa u shaqeeya wadajirka iyo bini’aadantinimada dadka iyo meeraha. IVD waa maalin lagu maamusayo mutadawiciinta adduunka oo dhan iyo in la aqoonsado qiimaha tabaruucanimada ee nabadda iyo horumarka.

Halkudhigga IVD sanadkan wuxuu ku salaysan yahay awoodda qof kasta – ficil wadajir ah – haddii qof kastaa sameeyay. Haddii qof kastaa uu si mutadawacnimo ah u bixiyo adduunku wuxuu noqon lahaa meel wanaagsan. Bal qiyaas in ka badan siddeed bilyan oo naga mid ah oo tabaruucayaal ah. Fursado aan xadidnayn oo loogu talagalay horumar waara – cunto iyo waxbarasho qof walba, deegaan nadiif ah iyo caafimaad wanaagsan, bulsho loo dhan yahay oo nabad ah, iyo in ka badan.

Maadaama dunida ay u dedaalayso taageero oo lagula tacaalo caqabadaha isa soo taraya, waa tabaruceyaasha kuwa ugu horreeya ee caawiya. Tabarucayaashu waxay safka hore kaga jiraan xasaradaha iyo xaaladaha degdegga ah, inta badan waxay ku jiraan xaalado aad u adag oo cabsi leh.

“Maalintan muhiimka ah, aan dib u go’aansano si aan u xaqiijino in dhammaan dadka ay ku bixin karaan tamartooda si ay ugu qaabeeyaan mustaqbal wanaagsan dhammaan dadka iyo meeraha aan wadaagno. Aan garab istaagno mutadawiciinta, meel kasta. António Guterres, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Hawlaha IVD ayaa ka dhacaya adduunka dacladiisa oo ay ku jiraan todobo dhacdo oo heer sare oo ay iska kaashadeen dawladaha Azerbaijan, Bolivia, Iraq, Ireland, Tanzania, Thailand, iyo Togo.

Laga soo bilaabo safarrada qaranka ee tabaruca ee Togo ilaa hawlaha cimilada-miyir ee beerista dhirta ee Azerbaijan ilaa safarka kursiga curyaanka ee mutadawiciinta naafada ah ee Thailand – dhacdo kasta waxay kordhisaa kala duwanaanshaha tabaruca ee adduunka dacladiisa.

Wadamada iyo kooxaha tabaruucayaasha waxay calaamadin doonaan ruuxa tabaruucanimada oo ay weheliyaan bulshooyinka, tacliinta, ururada tabaruuca ku lug leh, iyo hay’adaha Qaramada Midoobay. Shaqaalaha UNV ee Xarunta Dhexe ee Bonn waxay sidoo kale ka qaybqaadan doonaan hawlo tabaruc ah si ay u calaamadiyaan IVD oo ay u muujiyaan tabaruucanimada ee dadka deegaanka.

“Maanta waxaan leeyahay dhammaan mutadawiciinta adduunka oo dhan: Waad mahadsan tihiin. Oo aad doorateen horumarinta aduunka. Si aad u raadisan dhiirigelin wax qabad leh. S aad u abuurtaan xal. Si aan rajadeena u ilaalino. Caalamkana fariinteenu waa: Bal qiyaas waxa aan ku guuleysan karno haddii dhammaan ay ku biiraan oo ay iskood isu xilqaamaan.” Toily Kurbanov,  Iskuduwaha fulinta, tabaruceyaasha Qaramada Midoobay.

Anaga oo ilaalinayna codka midnimada ee xasaradaha iyo colaadaha, waxaan qof kasta u rajaynaynaa nabad IVD 2023.

QORAALKA TAFAATIRAHA:

Barnaamijka tabaruucayaasha ee Qaramada Midoobay (UNV) wuxuu siinayaa muwaadiniinta caalamiga ah fursad ay ku tabarucaan saddexda tiir ee nidaamka Qaramada Midoobay: horumarinta; nabadda iyo amniga; iyo xuquuqul insaanka.

Waxaa maamula United Nations Development Programme (UNDP),  UNV waxay u doodaa aqoonsiga tabaruceyaasha, waxay la shaqaysaa la-hawlgalayaasha si ay u dhexgalaan tabaruceyaasha barnaamijyada horumarinta, waxayna gacan ka geystaan ​​abaabulidda tabaruceyaasha adduunka dacladiisa.

UNV waxay ka hawlgashaa ilaa 160 wadan oo aduunka oo dhan ah waxayna matalaysaa in ka badan 170 jinsiyadood.

Maalinta Caalamiga ah ee tabaruuca (IVD), 5-tii Disembar, waxaa Qaramada Midoobay u asteysay 1985-kii in ay noqoto xushmad caalami ah si loogu dabaaldego awoodda iyo kartida tabaruucanimada.

Nagu soo biir aqoonsiga mutadawiciinta adduunka oo dhan iyadoo loo marayo ololaheena warbaahinta bulshada: #Haddii Qof kastaa Sameeyay #IVD2023

Guji halkan sii aad u eegto Macluumaadkeena ee IVD: Webpage | Trello Promo Materials 

Xiriirka Macluumaadka:  
Jennifer Stapper
Hoggaanka Kooxda Caalamiga ah ee Isgaarsiinta Xiriirka Dibadda iyo Qeybta Isgaarsiinta Tabarucayaasha Qaramada Midoobay
[email protected]
www.unv.org  

DHAMAAD